Xildhibaan hore oo lagu dilay Muqdisho

Mareeg.com: Xildhibaan hore oo ka tirsanaan baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa saaka lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka hore ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cumar Yuusuf Caliyow, kaasoo ka mid ahaa xildhibaanadii DKMG ee xilligii Shariif Sheekh Axmed.

Mas’uul ka tirsan degmada Wadajir ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka mudanahan hore saakay loogu geystay degmadaas, iyadoo dilkan uu qayb ka noqonayo dilalkii dhawaanahan ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo mas’uuliyadoodda ay sheegatay Al-shabaab.

Sidoo kale, saraakiisha ciidamada degmada Wadajir ayaa sheegay inay ku howlan yihiin baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii ka dambeeyay dilka xildhibaankan hore oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Maamulka degmada Wadajir ayaa sheegay in dilkaas ay fuliyeen kooxo bastoolado watay, kuwaasoo baxsaday, iyagoo shacabka degmada ka dalbaday inay gacan ka geystaan sidii looga hortegi lahaa kuwa falalka amni-xumada ah geysanaya.

Guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tacsi u diray ehellada uu ka geeriyooday xildhibaan Cumar Yusuf Caliyow.

Tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan ayaa Muqdisho lagu dilay dad aan yareyn oo uu ku jiro xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo la oran jiray Maxamed Xasan Xeyd.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245