Xildhibaan Fiqi: “Inqilaabka 16-ka Maarso ma ahan mid barakaysan”

Read Time:51 Second

muqdisho (mareeg news) Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in weerarka iyo inqilaabka lagu qaaday xarunta Golaha Shacabka aanu ahay mid sii socon kara.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo diray ku caddeeyay inaan qabsashada xarunta Baarlamaanka lagu gaareynin ujeeddooyinka gurracan ee looga gol leeyahay, sida uu yiri, wuxuuna saadaaliyey inuu soo dedejin doono in ciddii sharci-darrada ku dhaqaaqday sharcigu ciqaabo.

“Kacaanka 16 Maarso iyo inqilaabka hubaysan ee xarunta golaha shacabka lagula wareegay waxey muujinaysaa in madaxda dalku aysan naftooda iyo sharciga dalka aysan midna ku kalsoonayn, taas darteedna ay doorbideen in ay sharciyadda inqilaabaan ayadoo la joogo qarniga 21-aad iyo dal horey ugu soo hungoobay afganbi..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi

Wuxu sheegay in Guddoomiyaha Golaha shacabka Prof. Jawaari uu jeediyey hadal taariikhi ah, isagoo DFaaha ka qaaday in heshiisyo qol mugdi ah hoostiis la yiri ku saxiix inuu diiday, taasna ay keentay in lagu soo duulo barlamaanka si guddoomiye macmal ah oo waxa xukuumaddu rabto oo kaliya ka dhex qabta golaha shacabka.

Hoos ka aqriso farriin uu soo dhigay facebook.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %