
Mudane Cismaan Cabdullaahi Dhoore oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa si faah faahsan uga hadlay xaalada guud ee Magaalada Baladweyne.
Xildhibaan Cismaan Cabdullaahi Dhoore ayaa waxuu sheegay in kumanaan qoys ay barakaceen Duleedka Baladweyne, kuwaasi oo ku tilmaamay in ay wajahayaan xaalado bini’aadannimo.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in kumanaankaasi qoys uu si ba’an u sameeyay fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabelle.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Xildhibaan Dhoore waxuu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Hay’addaha gargaarka in ay si deg deg ah ugu soo gurmadaan Shacabka Baladweyne.
“Maahan wax loo dulqaadan karo dhibaatadii aan ku soo arkay Duleedka Magaalada Baladweyne. Shacabkii ka barakacay Baladweyne ma heystaan meel ay ku hooydaan iyo wax ay quutaan, waan in loo gurmadaa Shacabkaasi”, sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Dhoore.
Sikastaba, hadalka Xildhibaan Cismaan Cabdullaahi Dhoore ayaa waxuu imaanayaa iyadoo maanta Xukuumadda Soomaaliya ay guddi u saartay Xaalada Magaalada Baladweyne.