
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo Caawa lagu khaarajiyay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland.
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray C/xakiin Macalin Daahir, kana ka tirsanaa Baarlamanka Puntland ayaa Kooxo hubeysan waxey ku dileen nawaaxiga Hoteelka Clasic ee Magaalada Gaalkacyo.
Xildhibaanka oo markii hore dhaawac ahaan goobta looga qaaday ayaa ku geeriyooday Isbitaalka, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska ee Maamulka Puntland.
Goobjooge ayaa waxuu sheegay in weerarka lagu dilay Xildhibaanka uu sidoo kale ku dhintay mid ka mid ah Ilaalada hoteelka Clasic, maadaama uu aad ugu dhawaa halka uu falkaasi dilka ahaa ka dhacay.
Wararka ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyay falkaasi ay isaga baxsadeen goobta, inkastoo Ciidamo goobta soo gaaray ay bilaabeen howlgallo la xiriira dilkaasi.
Ilaa iyo hada cid sheegatay mas’uuliyada Dilka Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Daahir loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.