Xildhibaan Cumar Islow Oo Maanta Lagu Aasay Muqdisho

Read Time:1 Minute, 35 Second

Muqdisho–(Mareeg.com): Xildhibaan Cumar Islow Maxamed oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka oo maalintii talaadada ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya ayaa maanta Aas Qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho, iyadoo Aaskaasi Qaranna ay ka qeyb galeen Guddoonka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaanno iyo xubnaha qoyskiisa.

Barqanimadii maanta ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaa laga soo dejiyey Meydka Allaha u naxariistee Marxuum Cumar Isloow Maxamed oo ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka waxaana isla garoonka diyaaradaha lagula dukaday meydka Marxuumka salaadii Janaasada.

Kadib salaaddii janasada kadib ayaa meydka marxuum Cumar Islow loo galbiyey qabuuraha Isbitaaalka Madiina oo lagu aasay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlay salaadii janaasada kadib goobta ayaa shacbiga Soomaaliyeed iyo saaxibadii uu la shaqeeyey ka codsaday iney marxuumka iska cafiyaan waxaana uu Alle uga baryey inuu naxariistiisa jano siiyo.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa isaguna dhankiisa ka hadlay geerida Xildhibaan Cumar Isloow Maxamed waxaana uu sheegay in Xildhibaanku uu ahaa nin mug ku dhex leh Golaha Shacabka,

Sidoo kale Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaarkood oo iyaguna ka hadlay goobta ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid waxaana ay si kooban uga warameen waxa ay ku xasuusan doonaan.

Allaha u naxariistee, Marxuum Cumar Isloow Maxamed waxa uu dhashay sanadkii 1952kii waxaana uu ku dhashay tuulada Ugunji oo ku dhow deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose.

Waxbarashadiisa Dugsiga Dhexe waxa uu ku dhameystay Dugsiga Dhexe Dhagaxtuur ee degmada Afgooye, halka dugsiga sarena uu kaga baxay iskuulka Sheekh Xasan Barsame isagoo markaasi kadibna ku biiray Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed oo uu ka gaaray darajada Cornel.

Sanadihii 1981kii-1982kii ayuu soo noqday taliyihii nabad sugidda gobolka Bari, kadib hay’adda Nabad Sugidda waxa uu ka baxay kuliyadda Culuumta Siyaasadda ee Jaamacadii Umadda intii u dhaxeysay 1982kii-1985kii.

Dhanka siyaasadana waxa uu ahaa Baarlamaan lagasoo bilaabo baarlamaanka Dowladdii TNG-da ee Carta.

—DHAMAAD—

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %