Nairobi: Xildhibaan Cumar Islow Maxamed oo ka mid ahaa xildhibaanada caanka ah ee muudo ku jiray baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaalka Aga Khan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo waayihii ugu danbeeyay uu ku xanuunsanayay.
Kulan manta uu Muqdisho ku yeelan lahaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa la baajiyey kadib markii uu soo baxay warka ku saabsan geerida xildhibaan Cumar Islow.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad ayaa baarlamaanka uga ka sheekeeyay taariikhda allaha u naxariistee Xildhibaan Cumar Islow Maxamed, isagoo tilmaamay in xildhibaanka uu ahaa sharci yaqaan islamarkaana ahaa nin jecel ku dhaqanka sharciga meela kala duwana ka soo shaqeeyay.
Gudoomiye ku xigeen Mahad Cabdalle Cawad ayaa shegay in gudi ay u xilsaarayaan aaska qaran ee xildhibaanka loogu sameynayo magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado iney meydkiisa la keeno caasimadda.
Xildhinaan Cumar Islow ayaa waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanadii soo maray dowladihii KMG iyo dowladda hadda jirta isagoo ahaa nin sharci yaqaan ah oo aad uga dhex muuqaan jiray qodobada doodu ka dhalato ee baarlamaanka la horgeeyo.
Sidoo kale, xildhibaan Cumar Islow ayaa ahaa siyaasi codkar ah oo aad uga muuqan jiray baaarlamaanka xilliyada mooshinada khilaafka wato jiraan.
Mareeg.com