Xildhibaan Cabdisamad “Xukuumaddu waxay maalmaha soo socda heshiisyo la galeysaa Kenya” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan Cabdisamad “Xukuumaddu waxay maalmaha soo socda heshiisyo la galeysaa Kenya”

Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Xukuumadii KMG aheyd ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya maalmaha soo socda ay heshiisyo la galeyso dowladda Kenya.

Xildhibaan Cabdisamad oo ka hadlayay kulankii shalay ee Baarlamaanka Soomaaliya ee go’aan looga gaaray qaraar ka dhan ah dowladda Kenya oo la filayo in maalinta Isniinta laga soo saaro sharci.

“Waxaa jirta in maalmaha soo socda ay Xukuumadda qorsheyneyso inay heshiisyo la gashay dowladda Kenya, waxaa ka codsanayaa Xukuumadda inay heshiisyadaas dib u dhigto”ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Baarlamaanka looga baahan yahay in deg deg sharci gaar ah uga soo saaro qaraarkaas oo qodob ka mid ah qeexaya in Ciidamada Kenya ka baxaan Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Khaalid Cumar Cali ayaa sheegay in heshiisyadaas aanay aheyn kuwa Badda ama xuduudaha, balse ay yihiin heshiisyo quseeya cilaaqaadka labada dal iyo wada shaqeyn.

Si kastaba ha ahaatee maalinta Isniinta ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka sharci ka soo saaro darbiga ay kenya ka dhisneyso xuduuda, taasoo qeyla dhaan xoogan ka keeneen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.