Xildhibaan Cabdirisaaq oo soo bandhigay Xaalada Baladweyne

Read Time:40 Second

Wasiirkii hore ee Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kana mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed, Cabdirisaaq Maxameed ayaa bilaabay olole lagu taageerayo Shacabka Magaalada Baladweyne.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa muddooyinkii dambe waday ololahan, si gurmad bini’aadannimo loo gaarsiiyo kumanaanka qoys isaga barakacay fatahaadaha Wabiga Shabelle.

Mudane Cabdirisaaq Maxameed ayaa Bartiisa Twitter-ka ku soo bandhigayay qoraallo kala duwan oo ka turjumaya dhibaatada ka taagan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in dhibaatada ka jirta Baladweyne aysan aheyn mid indha laga laaban karo, islamarkaana loo baahan yahay in la isku kaashado sidii wax badan loogu qaban la haa Shacabka Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ayaa dhawaan waxaa ku fatahay Wabiga Shabelle, iyadoona fatahaadaha ay sababeen in kumanaan qoys ay ka barakacaan Xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo dhibaatooyin nololeed ay ku heysto Duleedka Magaalada Baladweyne.

 

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %