Xildhibaan Cabdirisaaq oo ka hadlay Dagaallo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Wasiirkii hore ee Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Mudaneyaasha Shacabka Soomaaliyeed, Cabdirisaaq Maxamed ayaa waxuu ka hadlay Dagaallo maalmihii la soo dhaafay Dadka Degaanka iyo Xoogaga Al Shabaab ku dhexmaray Duleedka Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan.

Mudane Cabdirisaaq Maxamed ayaa waxuu sheegay in Dagaalkaasi uu ka dhacay Duleedka Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan, islamarkaana uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sheegay in Dadka Degaanka aysan heysan wax taageero ah, ayna ka go’an tahay in ay ka difaacaan Xoogaga Al Shabaab.

Waxaa uu xusay in dadkii ku dhaawacmay Dagaalkaasi qaarkood la keenay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in taageero ay la garab istaagaan dadka Degaanka, kuwaasi oo 3-dii maalmood ee ugu dambeysay Dagaal kula jiray Xoogaga Al Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Dagaalka ka socday Duleedka Degmada Buuloburde ilaa Mokoqori ay ku dhinteen ugu yaraan 27 Ruux oo isugu jiro Shacab iyo dhinacyadii halkaasi ku dagaalamayay.

Xaalada ayaa weli kacsan iyadoo xusid mudan in Shacabka Degaanka ay bilaabeen barakac xoogan, maadaama Dagaal qaatay muddo 3 cisho ah uu weli ka socdo Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.