Xildhibaan Cabdirisaaq oo eedeyn u jeediyay Ciidanka NISA 

Read Time:48 Second

Wasiirkii hore ee Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed, Cabdirisaaq Maxamed ayaa waxuu eedeyn u jeediyay Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya.

Mudane Cabdirisaaq ayaa waxuu ku eedeeyay Ciidanka Nabad Sugida in ay ku lug leeyihiin dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa xusay in Ciidanka Nabad Sugida ay u muuqdaan kuwa ka talaabay Sharciga.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Xildhibaan Cabdirisaaq waxuu shaaciyay in Ciidanka Nabad Sugida markan ay bilaabeen in ay caburiyaan Shacabka.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed in ay baaritaan ku sameyso tacadiga ay geystaan Ciidanka Nabad Sugida.

Waxaa sidoo kale uu baaq u diray Hay’addaha u ololeeya Xuquuqul Insaanka in ay baaritaan ku sameeyaan falalka ka dhanka aadanaha ee ka dhaca Caasimada Soomaaliya.

Hadalka Xildhibaanka ayaa waxuu imaanayaa iyadoo Afhayeenka Maamulka Galmudug uu sheegay in tacadi uu kala kulmay Ciidanka Nabad Sugida kadib markii ay ka qaadeen sawiro isagoo dhar la’aan ah, sida uu u sheegay Warbaahinta Muqdisho.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %