
Xildhibaan Abdirisaq Ali Hassan oo xubin ka ah Baarlamanka Gobalka Innlandet ee dalka Norway iyo Golaha deegaanka Degmada Stange ayaa ka hadlay xaaladda siyaadeed ee dalka iyo waliba arrimo la xiriiro khilaaflka u dhaxeeya DFS iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka iyo doorashooyinka ay dowladda dooneyso iney dalka ka hergeliso.
Xildhibaan Cabdiriaq ayaa sheegay ugu horeyn in khilaafka hadda jira ee u dhaxeeya DFS iyo qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada dalka in uu saameyn ku yeelanayo bulshada Soomaaliyeed isaga oo sheegay in khilaafka uu Meesha ka saarayo horumarka amniga iyo nabadda ay dadka Soomaaliyeed u baahnaayeen.
“ Run ahaantii aad ayaan uga xumahay in madaxdii dalka aysan hal jiho u wada socon, dalkaan wuu kasoo daalay khilaaf iyo dagaal, waxey aheyd in horay loo socdo oo la isugu imaado miiska wada hadalka si nabdoonna loo dhameeyo wax yaabaha lagu kala duwan yahay oo mas’uuliyad la iska saaro dalka”

Waxa uu Xildhibaanka intaas ku daray in dowladda laga doonayo iney daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya katala geliso arrimaha masiiriga ah ee dalka sidoo kale iney u dhimriso dhinacyada ka ra’yi duwan ama labada dhinac ay isku tanaasulaan, waxaana dowladda Federalka Soomaaliya uu ugu baaqay in aysan isku kooban xukunka dalka.
Xildhibaan Cabdirisaaq Cali Xasan ayaa dhankiisa waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay in dalka uu u gudbo doorasho qof iyo cod ah islamarkaana laga baxo doorashada dadban , waxaase uu sheegay in midaas ay u baahantahay heshiis wada ogol ah oo madaxweynayasha maamul goboleedyada u dhan yihiin iyo in dalka laga xoreeyo kooxaha Khawaarijta, tiro koobka dalka, xisbiyada in la diiwaan geliyo iyo amaanka dalka gacanta lagu dhigo.
Waxa uu Xildhibaanka tilmaamay in maqnaashiyaha Puntland iyo Jubbaland aysan u wanaagsaneyn midnimada iyo wadajirka dalka islamarkaana waxa uu dowladda ugu baaqay shir wadatashi ah isaga oo tilmaamay iney dalka cuuryaamineyso kala maqnaanshiyaha dadka Soomaaliyeed.
Xildhibaan Cabdirisaaq oo katirsan Baarlamaanka dalka Norway ayaa soo dhaweeyay dadaalada ay dowladda ku dooneyso iney lasoo baxdo kheyraadka dalka isaga oo xusay in taasi ay horseedeyso in Soomaaliya ay ka baxdo ku tiirnaan-shiyaha kaalmada shisheye.
Ugu dambeyntii waxa uu ku baaqay Xildhibaan Cabdiriaaq Cali Xasan in dowladda Federalka Soomaaliya lagu taageero dagaalka Khawaarijta isaga oo dowladda ku amaanay duulaanka Khawaarijta oo sababay in magaalooyin iyo tuulooyin farabadan laga xoreeyay.
Goordhaw la soco Wareysiga Xildhibaanka oo dhameystiran.
Muqdisho-Somalia
