Xildhibaan caan ah oo xabsi la dhigay ! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan caan ah oo xabsi la dhigay !

Ciidamada Nabadsugida ayaa xabsiga dhigay xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa lagu xeray garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xili uu doonayay in uu ka qeybgalo shir amaanka looga hadlayay oo ka dhacayay garoonka diyaaraddaha, maadaama uu yahay Guddoomiyaha Xoghayaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Baarlamaanka.

Gelinkii danbe ee shalay ayey Nabadsugida xabsiga kasii daayeen, kadib markii culeys lagu saaray in si deg deg ah lagu sii daayo xildhibaanka.

Xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare, ayaa cambaareeyay tallaabada lagu xiray Xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka Somalia, isagoona ku sheegay mid ku xad-gudub ah Xildhibaanka.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Cumar, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay xariga ka dhanka ah Xildhibaan Gurxan, waxa uu intaa ku daray in laamaha ammaanku aynaan awood u lahayn inay xiraan Mudane ka tirsan Baarlamaanka.

Mudane Maxamed Cumar, ayaa Nabad Suggida ku eedeeyay in Xildhibaanka ay si ulac ah uga horjoogsadeen, in shirka ammaanka ku saabsan uu kaga qaybgalo Garoonka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabadsugida Qaranka ayaa horay xabsiga ugu taxaabay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabo Shiiraar bishii September.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!