Xil Mahad salad Oo Markii Ugu Horeysay Taageeray DF iyo Hadal Lama Filaan ah oo uu ka dhahay Go'aanka Dowlad Goboleedyada. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xil Mahad salad Oo Markii Ugu Horeysay Taageeray DF iyo Hadal Lama Filaan ah oo uu ka dhahay Go’aanka Dowlad Goboleedyada.

Muqdisho (Mareeg News)  Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xisbiga mucaaradka ee UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook waxa uu ku cabiray ra’iyigiisa ku aadan go’aannadii shalay kasoo baxay shirkii madax goboleedyada ugu soo dhammaaday magaalada Garoowe.

Hoos ka aqriso qoiraalka Mahad Salaad

1. Madaxweyne Maamul Goboleed.

2. Madaxweyne Madaxweyneyaal Maamul Goboleed.

3. Maamul iyo ciidan ka madax banaan midka Dowlada Dhaxe.

4. Xisbi siyaasadeed oo dagaal siyaasadeed lagu dhisay. Dadna la iskaga celinayo.

5. Shirweyne kulminaya mucaaradka iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada.

Ciyaartaan si jaanta iyo jiibta la iskula helo waxaa ka dhiman ayaan filayaa Barlamaan, Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare iyo Xukuumad ka madax banaan mida Dowlada Dhaxe ee tolow iyaduna ma shirka Dhuusamareeb ayay ka dhalan doonaan?!

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin keligii garramay iyo nin dhul gannay midna ma gefo” saaxiibadey madaxda Dowlad Goboleedyada waxaan dhihi lahaa keligiin ayaad garanteen waxa meesha yaalana waa HARAG SAGAARO. Harag sagaarana iiga kac ma ahee iiga durug ma leh ee xaalka hala dajiyo sidaan Soomaali ayaa kusii kala tagaysee!

Madaxweyne Farmaajo waxaan leeyahay Soomaalidii hore waxay dhihi jireen “Waxa jira sadex abaar. Abaar geel, abaar dumar iyo abaar rag. Abaar geel waa ilko la’aan, abaar dumarna waa ubad la’aan, abaar ragna waa arin la’aan”.

Duqiyow taladii dalkaan iyo dadkaan looga ariminayay ma haysid amaba waa kaa qaloocantahay ee isdabo qabo. Dalka iyo dadkana bohosha ay ku socdaan ka badbaadi. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa oronaysa “Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa yaqaan”. Duqiyow xisaabtu dhankaaga ayay ka xirmi la’dahay ee fadhigaan fadhi kale ku badal!

Soomaalida kale ee durbaanka ka daba tumaya labada dhinac sax iyo qaladba waxaan dhihi lahaa yaanan noqonin ninkii isku helliyay NIRIGTII dibno la’aanta ahayd iyo hashii naaso la’aanta ahayd ee yiri: “maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa” ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed aan u turno, kana shaqeyno in loo kala dab qaado odoyaashaan biyaha hoostooda iska haraatinaya.

Ilaahey waxaan ka baryeynaa in uu na haleeshiiyo towfiiqda iyo talada tii toosan. Aamiin.

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!