
Masuuliyiin , Siyaasiyiin iyo waxgarad kala duwan oo maanta ka qeyb galay Barnaamijka dooda Jimcaha ayaa ka hadlay xiisadaha ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur ayaa ku eedeeyay Maamulka Puntland in aysan dooneen xal nabadeed sida uu yiri.
Dhinaca kale Wasiirka ayaa beeniyay in iyagu ay billaabeen dagaalka ka dhacay Gaalkacyo balse waxa uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada Puntland ay ku soo duuleen sida uu hadalka u dhigay deegaanno maamulkiisa hoostaga.
Dhinaciisa Siyaasiga Xasan Keynaan oo horay Baarlamaankii KMG uga tirsanaa ayaa sheegay in loo baahan yahay nabad islamarkaana ay ka wada shaqeeyaan dadka degan Gaalkacyo in ay xasiloonida ka wada shaqeeyaan , arrimahoodana miiska wadahadalka ay ku soo afjaraan.
Sidoo kale Siyaasiga Daahir Cirro ayaa labada dhinac ku booriyay wadahadal iyo in la dhameeyo xiisada ka oogan Magaalada Gaalkacyo sida uu yiri.
Magaalada Gaalkacyo ayaa dhaq dhaqaaqeeda uu haatan hakad ku jiraa kadib markii ay shacabku ka barabaxeen iyagoo walaac ka muujinaya xaaladda Magaalada Gaalkacyo.