Xiisad Ka Taagan Magaalada Dhagax-Buur Ee Gobolka

Read Time:39 Second

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhagax-buur ee Gobolka Jarar ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi saakay ay ka taagan tahay Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamada liyuu boolis iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Xiisadan ka taagan Dhagax-buur ayaa la sheegay in ay ka dhalatay kadib markii Ciidamada Fedraalka Itoobiya ay Magalada Jigjiga ka wateen Madaxweynihij xilka baneeyey ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Dadka deegaanka Magaalada Dhagax-buur ee Gobolka Jarar ayaa qaarkood waxa ay bilaabeen ay in ay ka barakacaan halka ay isku hor fadhiyaan Ciidamada xiisada u dhaxeyso,si aysan dhibaato ugu soo gaarin.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in Odayaasha dhaqanka Magaalada dhagax-buur ay wadaan dadaalo lagu xalinaayo xiisada u dhaxeysa Ciidamada liyuu boolis iyo kuwa federaalka Itoobiya.

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %