Xiisad ka dhex taagan Ciidamo ka wada tirsan Soomaaliland

Read Time:50 Second

Wararka laga helayo deegaano hoostaga Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan inay halkaasi ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidao ka wada tirsan kuwa Soomaaliland.

Xiisadaan ayaa waxaa sigaar ah looga dareemay deegaanka Gooja Cadde oo dhaca duleedka magaalada Laascaanood,kadib markii Xabsiga la dhigey taliye ku xigeenka qaybta 7-aad ee ciidamada Somaliland Ibraahim Ashkir.

Ciidamo ka caroodey xariga taliyaha iyo Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland ee Gobolka Sool ayaa la sheegay in haatan ay u dhaxeyso xiisad dagaal,waxaana dadka deegaanka deegaanka Gooja Cadde ay sheegeen inay ka cabsi qabaan in Ciidamada dhexdooda ay dagaalamaan.

Taliyaha qaybta 7-aad ee Ciidamada Sooaaliland Korneyl Mahad Cambaashe ayaa la shaaciyey in uu amray xariga taliye ku xigeenka qaybta 7-aad ee ciidamada Somaliland Ibraahim Ashkir.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Deegaanada Yagoori, Guumays, Adhi Cadeeye iyo magaalada Laascaanood ay xalay la wareegeen ciidamo hubaysan oo ka careysan xarigaas,kuwaas oo sheegay inay dagaaami doonaan hadii aan la deyn taliyahooda.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %