Xiisad ka dhalatay niman ciidanka Kenya ku dilay Mandera

Mandera – Mareeg.com: Xiisad xooga leh ayaa maanta ka aloosan magaalada Mandera ee gobolka woqooyi-bari Kenya kaddib markii halkaas boolisku xalay ku dileen labo nin oo la sheegay iney ahaayeen wadaaddo.

Ciidamada booliska Kenya ayaa meydadka labada nin ee ay dileen geeyey saldhiga Booliska, waxaana boolisku diiday dalab ka yimid ehelada nimanka la diley oo ahaa in meydadkooda lagu wareejiyo, taasoo keentay caro xoog leh.

Dadweyne caraysan ayaa xiray waddooyinka iyagoo dowladda ku eedeynayo inay bartilmaameedsatay culamada.

Aafhayeenka ciidamada Kenya Maj Emmanuel Chirchir, ayaa sheegaya in labada nin ee la diley ay yihiin Al-Shabaab ka yimid Soomaaliya, waxaana ay weerar ku qaadeen ayuu yiri Booliska iyo sarkaal ka tirsan Milteriga Kenya.

Maj Emmanuel Chirchir ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in mid kamid ah nimanka la diley magciisa la yiraahdo Sheikh Hassan Black.

Alshabaab ayaa dhowr jeer weerarro ka geystay degmada Mandera, iyagoo dilay dhowr askar ah, islamarkaana qaatay gaadiid, lana galay Soomaaliya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245