Xiisad dagaal oo saaka ka taagan magaalada Jowhar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xiisad dagaal oo saaka ka taagan magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar ee gobolka shabellada dhexe waxaa ka taagan saakay Xiisad colaad kaddib markii xalay ay dagaalameen ciidamada haramcadka ee sida gaarka ah utababaran iyo ciidamamada ammaanka ee magaalada Jowhar sida booliiska iyo milatariga oo isku dhan ah.

Inta la xaqiijiyay dhacdadan ayaa waxaa ku dhintay askari kamid ah booliiska haramcadka iyo askari kale oo ka tirsan milatariga ilaaliya magaalada Jowhar ee gobolka shabellada dhexe.

Falkaan ayaa dhacay kaddib markii la suray calanka Soomaaliya habeen barkii xalay maadaama magaalada Jowhar ay kamid ahayd goobaha ay ka dhacayeen munaasabadda 26ka juun loogu dabaal degayay.

Lama oga sababta ka danbeysa falkaan in kastoo mar qura laga maqlay gudaha magaalada Jowhar rasaas xooggan oo ay is weydaarsanayeen ciimdamada dagaalamay sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ah.

Weli wax hadal ah kama uusan soo bixin maamulka Hirshabelle, maamulka gobolka shabellada dhexe iyo taliyeyaasha ciidamada dagaalamay.

Waxaa suurtagal ah in khasaaraha uu ka badanyahay inta hadda la ogyahay maadaama xilli habeen ah uu dhacay dagaalkaan.

Dhow jeer oo hore ayaa sidaan oo kale waxaa magaalada Jowhar ugu dagaalamay ciidamo kawada tirsan dowladda kuwaasi oo rasaasta ay is weydaarsanayaan ay ka dhashaan khasaaro kala duwan.

Falka nuucaan oo kale ah weli dowladda go,aan cad kama aysan qaadan inkastoo la xalinayay marka ay wax dhacaan.

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.