Xiisad dagaal oo ka taagan Degmada Raage Ceele — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xiisad dagaal oo ka taagan Degmada Raage Ceele

Wararka ka imaanaya Degmada Raage Ceele ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in xiisad laga dareemayo degamdaasi, sida ay soo sheegayan dadka deegaanka.

Tani ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeysay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay weerar ku soo yihiin maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in duleedyada Degmada Raage Ceele lagu arkay dagaal-yahano fara-badan oo kuwa Shabaabka ah.

Sidoo kale Ciidamadii Dowladda ee degmadaasi ku sugnaa ayaa waxaa qaarkood la soo sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay ay baneeyeen fariisimahoodii halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa ka baqdin qaba in dagaal uu degmadaasi ku dhex maro Ciidamada Dowladda ee weli sugan iyo maleeshiyada Al Shabaab, waa haddii ay weerar ku soo qaadaan.

Masuuliyiinta Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Maamulka Hirshabelle ayaan weli ka hadlin xiisadda ku soo korortay Degmada Raage Ceele.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!