Xiireey Muxudiin Cumar oo ka tanaasulay Kursi uu u tartami lahaa

Read Time:39 Second

Doorashada kuriga ka banaan golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxa ay goordhow a bilaabatay Magaalada Dhuusamareeb  ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Waxaa doorashada ku tartamaya Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud iyo Guddoomiyihii hore ee degmada Deyniile Xiireey Muxudiin Cumar,balse inta aysan Codeynta  bilaaban ayaa waxaa tanaasulad sameeyay Xiireey Muxudiin Cumar oo la tartamayay Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud.

Xaliimo Yareey oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashada qaranka oo madasha doorashada soo istaagtay ayaa waxa ay sheegay in ay doorashada dhaceyso, codna lagu kala bixi doono,iyado la raacayo habraaca Doorashada,sida ay ku dhawaaqday Xaliimo Yareey.

Goobta ay doorashada ka socoto ayaa waxaa ku sugan mas’uuliyiin kala duwan oo ay qeyb ka yihiin Guddiga doorashooyinka Qaranka  Siyaasiyiin ,Madax ka tirsan Galmudug,iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Dhuusamareeb.

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %