Xidhibaanada Baarlamaanka oo kulan Xasaasi ah ku leh Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xidhibaanada Baarlamaanka oo kulan Xasaasi ah ku leh Muqdisho

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ku yeelan doonaan kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka.

Kulankan ayaa Xildhibaanada  Baarlamaanka waxa ay kusii wadi doonaan doodii shalay ee ku saabsaneyd amniga guud ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho.

Shalay waxaa dooda ka qeyb qaatay oo aragtidooda soo bandhigay 20 Xildhibaan, sida qorshuhu uu yahay waxa maanta hadli doono oo aragtidooda ku saabsan amniga Muqdisho soo bandhigi doono 27 Xildhibaan oo ka mid ahaa xildhibaanadii shalay is qoray.

Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay,waxaana Ciidanka amniga ay xireen Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta,maadaama kulankan uu yahay mid xasaasi ah.

 

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!