Xiddig: Degmadii gaari ku qarxo, gudoomiyaha ayaa masuuliyadda qaadaya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xiddig: Degmadii gaari ku qarxo, gudoomiyaha ayaa masuuliyadda qaadaya

Mareeg.com: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir wixii hada ka dambeeyay lagula xisaabtami doono amniga degmada ay maamulaan.

Shirkii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee socday muddo 3 maalmood ah, lana soo gebagebeeyey xalay, kuna saabsanaan ammaanka ayaa lagu go’aamiyey in taliyaasha Nabad-sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir ay hadda kadib ka amar qaadanayaan gudoomiyaha gobolka Yuusuf Madaale.

C/rashiid Maxamed Xidig oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in Guddoomiye kasta uu mas’uul ka yahay amniga degmadiisa, isla markaana Guddoomiyaha degmada uu hoos imaan doono Taliyeyaasha booliska iyo Nabadsugida degmada uu hogaanka u ayahy.

“Guddoomiyaha degmada waxaa hoos imaanaya Taliyaha Booliska iyo Nabadsugida degmada, sidoo kale shacabka degmada ayuu heystaa, waxaana lagula xisaabtamayaa amniga, hadii degmadiisa wax ka dhacaan, kow ninka la qabanayo waa asiga, marka waxaa la doonayaa inuu mas’uuliyadaas qaado oo habeen iyo maalin u soo jeedo amniga degmadiisa” ayuu yiri C/rashiid Xidig.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Guddoomiye kasta oo degmo ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Gobolka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xukuumadda ilaa Madaxweynaha.

“Haddii baabuur xamuul ah oo laga soo raray Afgooye ama meelo kale haduu ku qarxo degmadaada adiga Mas’uuliyada qaadeysid” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha.

Waxaa uu sheegay in Maamulka degmada looga baahan yahay inuu si dhow ula socdo dhaq dhaqaaqa amni daro ee ka taagan degmada, isagoo ugu baaqay shacabka degmooyinka inay la shaqeeyaan Guddoomiyeyaashooda.

Dowladda Soomaaliya oo ku wareersan qaabka loo sugayo ammaanka caasimadda ayaa haatan bilwoday qorshe cusub oo la iskula dayayo in ammaanka lagu sugo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!