Xerada Xalane oo lagu qabaty shir ku saabsan New Deal & madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xerada Xalane oo lagu qabaty shir ku saabsan New Deal & madaxweyne Xasan oo ka qeybgalay

Muqdisho – Mareeg.com: Shir ku saaban barnaamijka New Deal (Higsiga Cusub) ayaa maanta maalintii 2-aad ka dhacay xerada Xalane ee ah saldhiga ugu weyn ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho, sidoo kalana ay degan yihiin hay’adaha UN-ka.

Shirka waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wakiilo ka socda beesha caalamka, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, Xubno ka socda Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo xubno kale oo kulanka lagu casuumay.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray hiigsiga cusub ee Soomaaliya, iyadoo lagu lafa guray arrimo badan oo xagga amniga ku saabsan, iyadoo dhawaan Alshabaab weerareen madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka ka jeediyay arrimo kala duwan oo xagga amniga ah, kuwaasi oo ay ka mid ahayd weerarkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in falalka ay sameynayaan Al-Shabaab uusan saameyn doonin dadaallada dowladdu ay ku dooneyso in dalka oo dhan laga cirib tiro ururkaas.

Madaxweynaha ayaa beesha caalamka ka dalbaday inay fuliyan balan qaadyadii ka soo baxay shirki Brussels lagu qabtay ee looga hadlayay arrimaha hiigsiga cusub.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Wakiilka xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nickolas Kay, wuxuuna sheegay in beesha caalamku ay ku dadaalayso sidii ay dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd dhinacyada amniga iyo sidii xasilooni waarta loogu soo dabaali lahaa geyiga Soomaaliya.

Shirka manta ka dhacay Xalane ayaa kusoo beegmay xilli Jimcihii lasoo dhaafay ay Alshabaab weerar aan la fileyn ku qaadeen madaxtooyada Soomaaliya oo ay gudaha u galeen.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More