Xeer Ilaalyaha Qaranka: Waa la in dhaqangeliyo sharciga Golaha Adeega Garsoorka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xeer Ilaalyaha Qaranka: Waa la in dhaqangeliyo sharciga Golaha Adeega Garsoorka

Mareeg.com: Xeer Ilaayaha Guud ee Qaranka Soomaaliya, Axmed Cali Daahir ayaa amray in la dhaqangeliyo Xeerka cusub ee Golaha Adeega Garsoorka, kaasoo labo bilood ka hor baarlamaanka Soomaaliya meel mariyey.

Xeer Ilaaliyaha oo ka hadalay gebagebada shirkii Wadatshiga Xeerka Nidaamka Garsoorka ayaa cadeeyey inaan weli lagu dhaqmin Xeerka Golaha Adeega Garsoorka, arrintaasina tahay khalad weyn.

“Sharciga Golaha Adeega Garsoorka ee cusub muddo labo bilood ah ayuu iska yaallaa, haddii sharci cusub soo baxo kii hore meesha ayuu ka baxayaa, waana in kan cusub la dhaqangeliyo, haddii kale waa la isla xisaabtami doonaa” ayuu yiri Axmed Cali Daahir.

Wuxuu sheegay Xeer Ilaaliyuhu in wasaaradda cadaaladda, Xeer Ilaalinta iyo maxkamadaha dalka laga doonayo iney dhaqan geliayaan xeerka cusub ee Golaha Adeega Garsoorka.

Dhamaadkii bishii June ee sanadkan 2014 ayaa Baarlamaanka Soomaaliya meelimariyey Hindise Sharciyeedka Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka, kaasoo ay soo gudbisay wasaaradda cadaaladda.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.