Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo kormeeray dhuxul lagu xayiray Baraawe

Read Time:47 Second

Mareeg.com: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa soo kormeeray dhul farabadan oo ku xayiran dekedda macmalka ee mgaalada Baraawe, taasoo madaxweyne Xasan horay u amray inaan la dhoofin karin.

Axmed Cali Daahir ayaa markii uu kasoo laabtay Baraawe u sheegay warbaahinta in safar gaaban uu ku tegay halkaas, isagoo xusay in uu soo eegayay xaaladda dhuxul farabadan oo halkaasi lagu qabtay, islamarkaana madaxweynaha uu amar ku bixiyay inaan la dhoofin Karin.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa carrabka ku adkeeyay inaan dhuxushaasi la dhoofin Karin, isagoo ku gooddiyay in sharciga la horgeeyndoono ciddii isku dayda iney jebiso amarka lagu mamnuucay dhoofinta dhuxushaasi.

Wuxuu ugu baaqay ciidamada ineey ka hortagaan oo aysan ogolaanin xaalufinta deegaanka, wuxuuna ka digay dhibaatada ka dhalan karta jarida dhirta iyo dhoofinta dhuxusha.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay usoo saartay amar lagu joojinayo dhoofinta iyadoo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobayna uu mamnuucay in Soomaaliya laga dhoofiyo dhuxul.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.