Mareeg.com: Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka, Axmed Cali Daahir, Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka, ayaa wuxuu sheegay in dadka ku xiran xabsiyada Magaalada Muqdisho, ay boqolkiiba sideetan (80%) ka soo jeedaan beelaha laga tirada baddan yahay.
Xeer Ilaaliyaha, ayaa tilmaamay in beelahaasi ay soo gaarto dhibaatada ugu badan, isla-markaana ay xaqiiqdu tahay inay muuqato waxyeelada ba’an ee loogu geysanaayo Magaalada Muqdisho, sida uu yiri.
Dhanka kale Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka, ayaa xusay in Xabsiga Dhexe Xamar uu yahay xabsiga kaliya, ee ay heysato Dowladda Somaliya, ayna ku xiran yihiin 1,400 oo maxaabiis, xilli uu sheegay in loogu talla galay in lagu xiro qiyaastii 4,00 oo qof.
Isagoo sharaxaad ka bixinaayay qaabka uu u dhisan yahay Xabsiga Dhexe Xamar, ayaa wuxuu sheegay in laba qaybood uu ka kooban yahay. Qayb ka mid ah oo loogu talla galay in lagu xiro 2,00 oo ruux, laakiin ay ku xiran yiiin 1,400 oo qof, halka qaybta kalana ay burbursan tahay.
Axmed Cali Daahir, ayaa qaba in nolol xumo iyo caafimaad daraba ay ka dhalan karto ciriiriga daran, ee ka jira Xabsiga Dhexe Xamar.
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay ineysan dedaal badan ku bixin dib u habeynta Xabsiga Dhexe, iyadoo dadka Shabaabnimada loo heysto ku xirata Xabsi ku yaalla madaxtooyada iyo Godka Jilacow.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.