Xeer Ilaaliyaha Guud “Waa dhamaatay xilligii dadka la iska xiri jiray” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xeer Ilaaliyaha Guud “Waa dhamaatay xilligii dadka la iska xiri jiray”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay inay dhamaatay xilligii ciidamada ay dadka iska xiri jireen, isla markaana dadka si aan sharciga waafaqsaneyn xabsiyada lagu heyn jiray.

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay inay ka war-qabaan xabsiyada dowladda gacanta ku heyso iyo dadka ku xiran, waxaana uu xusay in qofka aanu xirnaan wax ka badan 48-saacadood.

“Waa dhamaatay xilligii dadka la iska xiri jiray, waxaan sameynay dadaalo badan, waana laga gudbay, wali waxbaa jira, laakiin waa wax aan aad u badneyn”ayuu yiri Dr. Axmed Cali Dahir.

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in 17 saldhig iyo xabsiyo kale aan hadaqofna lagu xiri karin, isagoo aan wado sharci ah loo soo marin.

Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa horay lagu dhaliilay inay dadka iska xiraan, iyagoo aan maxkamad horkeenin, iyadoo dad badan oo horay xabsiga loo dhigay aanay helin wax Maxkamad ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!