Xeer Ilaaliyaha Qaranka “Shabelle & Sky waxey wadeen xadgudub joogto ah” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xeer Ilaaliyaha Qaranka “Shabelle & Sky waxey wadeen xadgudub joogto ah”

Mareeg.com: Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay talaabadii shalay Laamaha amaanka Soomaaliya ku ku xireen Idaacadihii FM-yada ee Shabeelle iyo Sky ee magaalada Muqdisho.

Xeer Ilaaliye Axmed Cali Daahir oo shir jara’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa talaabadii lagu xiray labadaasi idaacadood ku tilmaamay inay tahay mid xilligii loo baahnaa ku soo beegantahay, isagoo xusay inay si qaldan bulshada ugu baahiyeen howlgallada xakameynta hubka sharci darrada ah ee ay sameynayaan hay’adaha ammaanka ee dalka.

“Falka lagu xiray Idaacadaha Shabeelle iyo Sky waxa ay ahayd mid aan la soconay, waayo waxa ay ka qeyb qaadanayeen kicinta shacabka, waxay xadugubyo joogta ah oo aan kala har lahayn ku hayeen Mas’uuliyiinta Qaranka, waxa ay eedeeyn been abuur ah ay marwaliba ka sameynayeen Mas’uuliyiinta Qaranka, waxa ay ka been sheegeen howlgalka ay ciidamada amnigu sameynayeen iyo ciidamada AMISOM intaba ee ku saabsanaa sugidda amniga, waxay kaloo ka been abuureen awaamiirta ay dowladdu bixisay ee ku aadan howlgaladaasi, waxayna ku howlanaayeen iska hor keenidda shacabka iyo Xukuumadda” ayuu yiri Axmed Cali Daahir

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa mar uu ka hadlayay arrimaha howlgallada waxa uu tibaaxay inay tahay tallaabo horey loo qaaday oo dhanka amniga ah, isagoo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga.

“Howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee maalmahanba socday ee lagu soo furanayay hubka sharci darrada ah aad baan u soo dhaweynayaa, uguna hambalyeynaynaa ciidamada amniga, waa tallaabo aad loogu farxo, waxaana shacabka u sheegeynaa inaysan arrimahaasi si kale aysan u arkin, waayo waa fal dambiyeed cid aan ahayn dowladda inay hub ku dhex sidato magaalada,” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa shalay xiray Radio Shabelle iyo SKY FM, kuwaasoo uu isku lahaa nin lagu magacaabo C/maalik Yuusuf, waxaa sidoo kale la xiray milkiilahaas iyo 14 ka mid ah shaqaalahiisa.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!