Mareeg.com: Dalka Maraykanka waxa dhamaaday wakhtigii kama damabysta ahaa ee uu bangi Maraykan ah u qabtay in uu ku xirayo xawaaladaha Soomaalida ee ka hawlgala dalkaasi Maraykanka.
Bangigan oo la yiraahdo, Merchant ayaa waxa uu gacanta ku hayey boqolkiiba 80 xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida.
Xawaaladaha intooda badan ayaa haatan joojiyey adeegyaddii ay bixinayeen ee ay u qabanayeen bulshada Soomaaliyeed ee USA.
Bangiga ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in uu hoggaasami waayo shuruucda lacagta ee dalka Maraykanka, waxa uuna sheegayaa in xawaaladaha soomalida aanay awoodin ay cadeeyaan halka ay ku dambeeyaan lacagaha ay xawilaan.
Hasayeeshee xawaaladaha Soomalida ayaa sheegaya in ay u hoggaansamayaan shuruucdan.
Dowladda Soomaaliya, dadka Soomaalida iyo hay’ado u dooda xuquuqdaq Aadanaha ayaa walaac ka muujiyey go’aanka lagu joojiyey Koontooyinka xawaalada Soomaalida.