Xawaaladaha Soomaalida ee USA oo berri dib u furmaya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xawaaladaha Soomaalida ee USA oo berri dib u furmaya

Mareeg.com: Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka oo xirnaa muddo 9 maalmood ah ayaa bari oo ah 1-da March dib looo furayaa, sida uu sheegay Cabdicasiis Sugule, oo ah gudoomiyaha urur ay ku bahoobeen xawaaladaha Somaalida oo la yiraahdo SAMSA.

Inta badan xawaaladaha ayaa xirmay kaddib markii bangiga lacagaha u xawili jiray uu xiray xisaabaadkoodii lixdii bishan February.

Xiritaanka xawilaadaha Soomaalida ee Mareykanka ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay noolasha Soomaali badan oo ku nool gudaha dalka, kaddib markii ay waayeen lacagihii ay ehelkooda ka heli jireen.

C/casiis ayaa sheegay in bankigii xiray koontooyinka xawaaladaha Soomaalida uusan go’aankiisa wax ka badelin, hase ahaatee iyagoo adeegsanaya bangiyo yar yar ay lacago aan badneyn ay diri doonaan xawaaladaha Soomaalida.

Wuxuu sheegay in dowladda Mareykanku ay dareentay culeyska xiritaanka xawaaladaha Soomaalida, ayna ku dedaalayaan sidii arrinta loogu soo celin lahaa sidii hore.

Bankiga Merchant ee dalka Mareyka ay koontooyin uga furmaayeen inta badan xawaaladaha Soomaalida ayaa go’aanka ku gaaray inuu xiro akoonadaas, isagoo sheegay inuu ka cabsi qabo in la mariyo xawaalado ku socda kooxaha Mareykanku u yaqaano argagixisada.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!