Xassan Daahir oo nabadsugidu sii daysay Caawa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xassan Daahir oo nabadsugidu sii daysay Caawa

War goor dhow la helay ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Dahir Aweys caawa fiidkii la sii daayay, kadib markii muddo lix bilood uu ku jiray gacanta dowladda Soomaaliya, tan iyo markii uu ka soo baxsaday Al-Shabaab bishii June ee sanadkii hore.

Sarkaal magaciisa  codsadey in aan la shaacin ayaa xaqiijiyey  in Sheekh Xasan Dahir caawa laga saaray Xarunta Gurigii Habar Khadiijo oo ah Taliska Ciidamada Nabadsugida, waxaana la geeyay guri aan la shaacin oo ku yaal Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo gaar ah oo ilaaliya Sheekh Xasan Dahir la siiyay, kuwaasoo ku ilaalinaya Hoy ku yaal magaalada Muqdisho.

Hoyga la dejiyay Sheekh Xasan Dahir ayaa ah mid gaar ah oo ay dowladda ugu tala gashay, isla markaana uu si xornimo dadka ugu qaabili karo.

Ma Cada ilaa iyo hada qaabka lagu sii daayay, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda aysan si rasmi u sii deyn, balse kaliya laga saaray Xarunta Nabadsugida Qaranka ee Gurigii habar Khadiijo.

Lama oga in Xasan Dahir uu aqbalay shuruudihii dowladda hor dhigtay ee ku saabsanaa sii deyntiisa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!