Xashiish lala yaabay oo ciidamada Australia ka qabteen xeebaha Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xashiish lala yaabay oo ciidamada Australia ka qabteen xeebaha Soomaaliya

Mareeg.com: Saraakiisha ciidanka badda Australia ayaa sheegay inay qabteen doon sidday xashiish dhan 5.6 tan. Doonta ayaa marka la qabtay waxay ka sii baxaysay xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen warbaahinta Australia.

Saraakiisha ayaa sheegay in xashiishka lagu qariyay boorsooyin. Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa qortay in xashiishka la qabtay uu u dhigmo lacag dhan $280 Milyan oo doollar.

Shixnadda xashiishka ayaa gacanta lagu dhigay kaddib markii ciidanka badda Australia iyo ciidanka cirka ee New Zealand ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya howlgal socday shan cisho.

Doonta ayaa la sheegay inay u socotay dalalka Bariga Dhexe ama qaar ka mid ah waddamada ku teedsan Badweynta Hindiya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!