Akhri: Xasarad siyaasadeed oo halis ah oo saaka ka taagan Hargeysa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: Xasarad siyaasadeed oo halis ah oo saaka ka taagan Hargeysa

Mareeg.com: Xasarad siyaasadeed ayaa saaka ka taagan magaalada Hargeysa ee xarrunta maamulka Somaliland, iyadoo xalay la xiray Xogyihii Golaha Wakiilada maamulkaas, Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Xogyaha ayaa xalay ka hadlay ciidanka booliska ee laga wareejiyay Xarunta Baarlamaanka Somaliland.

Sidoo kale, waxaa saaka ciidamo farabadan la dhigay hareeraha xarrunta Golaha Wakiilada, waxaana socda qorshe mooshon ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro, kaasoo la doonayo in xilka looga qaado, kadib markii isaga iyo madaxweyne Siilaanyo is khilaafeen.

Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Imperial ayaa war-fidiyeenada u sheegay in laga hor istaagay in uu galo Xarrunta Golaha Wakiilada, isla markaana Ilaaladiisa loo hanjabay.

Ciidanka lagu wareejiyay Golaha ayaa si weyn u kala saaraya dadka galaya Albaabka Golaha, iyadoo la arkayo in shaqaalaha qaar iyo saxaafadda la celinayo.

Mudaneyaasha Xukumadda taabacsan ayaa la filayaa in abaaro 10:00 Subaxnimo ay furtaan fadhiga, islamarkaana xilka ka xayuubiyaan Gudoomiye Cirro.

Waxa sidoo kale la sheegayaa inay hogaan cusub u dooranayaan Golaha, iyadoo la hadal hayo in Gudoomiyaha loo doorto Baashe Maxamed Faarax, halka ku xigeena loo dooranayo Xildhibaan Bukhaari.

Dhanka kalena Jawiga jidadka soo gala Golaha ayaa ah mid laga dareemayo ciidamo tiro badan oo iskugu jira Booliska, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee RRU-da oo gaadiidkooda wata iyo kuwa Asluubta.

Jidadka dhanka bari iyo galbeed ka soo gala Golaha Wakiilada ayaa laga celinayaa gaadiidka iyo dadweynaha u socda shaqada iyo kuwa Xaalka golaha ka dhursugayaba.

Lama oga waxa uu ku dambeyn doono xaalka Somaliland, iyadoo khilaafka siyaasadeed uu cirka isku sii shareerayo.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!