Xasan shiiq miyaa doqon ah mise shacbigaa umul ah? — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xasan shiiq miyaa doqon ah mise shacbigaa umul ah?

Muqdisho ( mareeg News ) Kadib sandii 2012 xasan shiiq oo loo doortay madaxweeynaha somaaliya ayaa waxuu dalka geliyay xaalado aad u adag madaxweeynihii hore ee soomaliya inta uu xilka haayay waxuu geestay tacadiyo dhowr ah haba ugu badnaadeenee tacadiyadii dhanka dhaqaalaha, iyo talada dalka oo uu u gacan geliyay saxiibadiisa gaarka ah taas oo somalida ka fakisay fursad muhiim ah oo uu dalka horay ugu tilaabsan lahaa.

 

Xasan shiiq inta uu xilka madaxweeynaha haayay waxuu mashaariicda si shaqsi ah u siiyay saxiibo iyo dad xigta la ah asigo diiday in loo sinaado oo loo tartamo, waxa aan la dafiri Karin ayaa ah qaabka uu faragelinta weeyn ugu sameeyay dorashadii kuraasta xildhibaanada oo uu hanti badan ku bixiyay si uu dib ugu soo laabto asigoo saaray saaxiibadiis iyo cid walba oo uu is dhihi karay weey ku tageereysaa, mudane xasan shiiq maxamuud golaha baarlamaanka ayuu u sababay ineey soo galaan dhalinyaro siyaasada ku cusub taas oo uu uga gol lahaa ineey asiga doortaan mana u suuroobin.

Aqriso:- kulanka Aqalka sare oo u baaqday arin lama filaan ah & walaac amni daro oo ka taagan.

Tacadigii gobolka banaadir iyo gobolada kale dalka.

Madaxweyne xasan shiiq inta uu talada waxuu dhisay dowlad goboleedyo oo intooda badan ku taageray saxiibadiisa siyaasada waloow kuwii horay u jirayna uu dan dhaqaale kuso jiitay, xisbigiisa damjadiid oo ku dhisnaa waafajin beel iyo kursi ayuu dalka qorta usuray waxuuna dhaqaale xoogan ku bixiyay ka taqalusida wax ala waxii caqabad ku naqan kara xisbigiisa.

Gobolka banaadir oo soo saaro  dhaqaalaha ugu badan ee hesho dowlada fedralka waxaa xusid mudan inta uu xilka haayay inuu badalay dhowr gudoomiye oo intoda badan ka biyadiiday faragelin maamul iyo boobka dhaqaalaaha gobolka oo uu madaxweyne xasan ku takri falaayay , arinta xusida mudan ayaa xiligii uu duqa caasimada ahaa gudoomiye madaale in madaxweyne xasan shiiq sanduuqa dowlada hoose uu kala baxay lacag canshuuraha gobolka kasoo xarootay iyo mid loo qorsheenayay dhisada mashruuc wado arintaas oo dhalisay in duqii wagaas uu miir doorsoomo loona qaaday wadanka masar si loo dabiibo , sidoo kale waxaa xusid mudan in bangiga dhaxe laga xaday lacag malaayiin ah taasna uuna cadeen madaxweeynaha welina aan la ogeen cida xaday .

Arimaha kale ee uu tacadiyada dadka ugu geysata inta uu talada dalka haayey waxaa kamid ah mashruuc dhiig miirad ah oo uu madaxweynaha ugu daneeyay dad u dhawaa kas oo garoonka la soo dhigay basas cidii basaskaas aan raacina ay caqabad ku aheeyd gaarista garoonka diyaarada aadan cade.

 

Ugu danbeeyn madaxweyne xasan shiiq oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka soomaaliya oo 2sano dalka kamaqnaa ayaa hada dib ugu soo laabtay dalka waxuuna donayaa inuu markale mashaqo tii kaweyn dhex dhigo dadka iyo dalka.

 

Xasan shiiq maa dababaal ah mase shacabkaa umul ah ?

Hirka Baarlamaanka: Ma kheyra buu qaadi doonaa, mise Ducaale ayuu uga dabaalan doonnaa ?

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!