Xasan Sheekh Oo Siriq Culus Loo Dhigay

Ku dhawaad 20 Musharax oo ah Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya oo xalay Kulan ku yeeshay Magaalada Muqdishon ayaa waxa ay  sheegeen in ay ku Midoobeen Isbadal Dalka ka Hirgala.

Musharaxiintaasi kulanka yeeshay ayaa isku raacay in ay codadkooda siiyaan musharaxa wareega kooowaag ugu cod badan ayaa waxaa ka mid ah Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed,

Musharax Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, Musharax Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Musharaxiin kale.

Waxa ay sidoo kale Musharaxiin tan ku heshiiyaan in Dalka uu ka dhaco isbadal hogaamineed, kana shaqeeyaan sidii uusan mar kale Dalka u hogaamin Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale waxaa isla xalay Kulan ay Albaabadu u xiran yihiin wada qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare Sharmaake iyo Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia