Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Deg Deg ah layeeshay wakiillada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya By k24hol * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Deg Deg ah layeeshay wakiillada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya By k24hol

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan degdeg ah kula yeeshay wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, isagoo kala hadlayey dagaalka ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa danjireyaashaasi uga waramey xaaladda ka taagan Gaalkacyo, isagoo sheegay inuu dhowr jeer maanta khadka telefonka kula hadley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, madaxweyneyaasha maamullada Puntland iyo Galmudug, Cabdiweli Maxamed Gaas iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed, dhammaantoodna ay u caddeeyeen inay rajo ka qabaan in degdeg dagaalka loo joojiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xiisadaha ka taagan Gaalkacyo ay dowladda dadaal weyn u gashey sidii loo xalin lahaa, taasi darteedna, isaga iyo Ra’iisul Wasaarahana ay uga baaqsadeen shirar caalami ah oo dalka dibeddiisa ay uga qeybgeli lahaayeen.

“Kama daaleyno inaan xal nabadeed u raadino dagaalka Gaalkacyo, hase yeeshee waxaan madaxda maamullada kala duwan ee dalka iyo shacabkaba u jeedinayaa in isla xisaabtan uu jiri doono, mar dambena aysan dhici doonin in shacabka la waxyeeleeyo iyadoon cidna loo raacan. Beesha caalamkana waxaan ka codsaneynaa inay gacan nagu siiso dadaallada aan wadno ee ku aaddan nabadda iyo inuu sharciga si buuxda u shaqeeyo’’, ayuu Madaxweynaha u sheegay wakiilladaasi ka socday beesha caalamka.

Mr Raisedon Zenenga, oo ah Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya , oo horkacayey wakiilladaasi beesha caalamka, ayaa soo dhoweeyay dadaalka madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee ku aaddan xal u helista dhibaatada ka jirta Gaalkacyo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!