Xasan Sheekh oo ku Eedeyay Farmaajo inuu dalka geliyay xaalad mugdi ah

Read Time:53 Second

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo uu dalka galiyay xaalad hubanti la’aan ah oo horseedi karta mugdi.

Qoraal uu Xasan Sheekh soo dhigay barta uu Twitterka ku leeyahay ayuu ku sheegay in Farmaajo oo maanta mudo xileedkiisu ku egyahay dalka galiyay xaalad siyaasadeed oo mugdi galin karta mustaqbalka dalka.

“Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka balse, Soomaaliya waxay leedahay shacab iyo haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni iyo aragti wadaag” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ayaa horey uga digay in Farmaajo sameesto mudo kororsi, waxa ayna sheegeen in 8-Febraayo kadib aysan u aqoonsaneyn Madaxweyne sharci ah.

Farmaajo ayaa maanta ku beegan tahay maalintii la doortay afar sano kahor, waxaana mudo xileedkiisu dhamaaday xili wali aan loo diyaarsaneyn qabashada doorasho raali laga yahay uuna jiro khilaaf xoogan oo dib u dhac horseedi kara.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.