Xasan Sheekh oo ka baaqday safarkii Dhuusa Mareeb * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xasan Sheekh oo ka baaqday safarkii Dhuusa Mareeb

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo laga weday inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamareeb ee gobolka galgaduud ayaa ka baaqday safarkaas, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta.

Warar xogogaal oo warbaahintu heshay ayaa sheegay in Madaxweynaha dalku uu ka baaqday safarkii Dhuusa Mareeb.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu safarkiisa u baajiyay khilaaf wali ka jira halka lagu qabanayo shirka maamulka loogu sameenayo Gobolada Dhexe.

Wararka ayaa intaa ku daraya in odayaasha dhaqanka ee ku sugan Dhuusa Mareeb iyo madaxweynaha ay isku afgarteen in booqashada Madaxweynaha  uu dib u dhigo inta xal la taaban karo la gaarayo.

Warar kale ayaa sheegaya in baaqashada socdaalka madaxweynaha ay sabab u ahaayeen debadbax rabshado wata oo maanta ka dhacay magaalada Dhuusa Maareeb, kaasoo looga soo horjeeday in shirka lagu qabto degmada Cadaado, arrintaas oo madaxweyne Xasan rabo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!