
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la filayaa in Saacadaha soo socda uu soo gaaro Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Qaban qaabada soo dhaweeynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa ay ka socotaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wax ay wadaan qorshihii lagu soo dhaweeyn lahaa markii Muqdisho uu soo gaaro Xasan Sheekh Maxamuud,isla markaana waxaana Magaalada laga dareemayaa diyaar garoow ballaaran.
Warar aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in markii uu yimaado Muqdisho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqi doono Xisbi weyn uu isaga hogaamin doono,kaasi oo kana qeyb galaya doorashada ka dhaceysa dalka 2020-2021.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii looga adkaaday doorashadii Madaxtinmo ee ka dhacday dalka 8-dii Bishii February Sanadkii tegay ee 2017,ayaa waxa uu dalka ka maqan yahay muddo ku dhow labo sano.