Mareeg Media
Somalia

Xasan Sheekh fariin u diray MD Farmaamjo

Xilli weli ay jirto cabasho ay qabaan siyaasiyiin farabadan taas oo ku aadan in dowladda Soomaaliya ku heyso caburin ayaa waxaa daba socda baaqya kala duwan oo loo jeedinayo Madaxda Dowladda federaalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxda dowladda federaalka ay ku u dhiirigelineynaa in saaxada siyaasada dalka in ay furto taladana la wadaago,isla markaana ay raali ka noqotaa markii ay hadlayaan Siyaasiyiinta.

Sidoo kale  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa waxaa uu ku hanjabey in hadii dowladda u diido inay kulmaan ay si awood ah ku kulmi doonaan.

Marka lag soot ago hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheikh ayaa waxaa jirtay xilligii uu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya caburin ay tabanayaan siyaasiyiin kasoo horjeeday,iyada oo la weeraray siyasiyiin ay ka mid ahaayeen Axmed Xuseen Cadoow( Axmed Daaci) iyo Cabdi Nuure Siyaad sidoo kalena la xiray Wariyeyaal iyo Idaacaddo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!