M. Xasan oo u hambalyeeyey dhigiisa cusub ee Nigeria

Read Time:36 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha kusoo baxay doorashada madaxatinimo  ee dalka Nigeria, Jen. Muhammadu Buhari kaasoo ka guuleystay madaxweynihii xilka horay u hayey, Goodluck Jonatha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo teleefoon kula hadlay ayaa madaxweynaha cusub ee Nigeria, Muhammadu Buhari iyo shacabka dalkiisa ugu hambalyeeyey guusha uu gaaray.

Wuxuu madaxweyne Xasan rajeeyey in xiriirka Somalia iyo Nigeria noqdo mid aad u wanaagsan.

Madaxwaynaha xilka hayey ee Nigeria, Goodluck Jonathan ayaa telefoon u diray musharraxii la tartamaya ee xisbiga APC, Muhammadu Buhari si uu u qirto in doorashada looga guulaystay, uuna ugu hambalyeeyo guusha uu doorashada ka gaaray.

“Waxaan dalkaan u ballan qaaday doorasho xor ah oo xaq ah, ballankiina waan oofiyey” ayuu yiri Goodluck Jonathan.

Mareeg Meida

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.