Xasan Daahir Aweys oo la filayo inuu magamgelyo ka helo dalka Qadar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xasan Daahir Aweys oo la filayo inuu magamgelyo ka helo dalka Qadar

Mareeg.com: Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal, waxaa lagu wadaa in waqtiyada soo aadan dalka Qadar loo qaado Xasan Daahir Aweys, oo ka tirsanaa jiray Alshabaab, basle ka baxsaday sanad iyo bar ka hor, ayna xirtay dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dhinacyo kala duwan ay gacan ka geysteen sidii Xasan Daahir Aweys looga saari lahaa xabsi guriga uu ku jiro Magaalada Muqdisho, looguna wareejin lahaa magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qadar.

Dowladda Qadar waxay ogolaatay in wadaadka ay magangelyo siyaasadeed siiso, sida ay sheegayaan ilo muhiim ah.




Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa la sheegay inuu warbaahinta la hadli doono marka marka ugu horeyso oo xoriyadiisu uu helo, islamarkaana uu shaacin doono inuu ka tanaasulay fikirkii Alshabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay iney aqbashay in mowqifka Sheekh Xasan Daahir Aweys ee xiiligaan, isla-markaana ogoilaatay inuu loo duuliyo magaalada Doxa.

Xasan Daahir, inkastoo uu ka baxsaday Alshabaab hadana waxa horay loo soo marsii waayey inuu taageero mabda’a dowladda Soomaaliya, isagoo cajal oo xabsiga guriga kasoo diray bihsii May ee sanadkii hore ku sheegay in dhamaan dhinacayada siyaasadda Soomaaliya ay daacad u yihiin Itoobiya.

Dhamaadkii bishii June ee sanadkii 2013 ayuu Xasan Daahir doon uga baxsaday degmada Baraawe, kadib markii ay is qabteen hogaamiyihii la dilay ee Alshabaab, Abuu Zubeyr, wuxuuna tegay Cadaado oo Galgaduud.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ee halkaas ka taliya ayaana Xasan Daahir kusoo wareejiyey gacanta dowladda Soomaaliya, wuxuuna wixii xilligaas ka dambeeyey xabsi guri ku ahaa Muqdisho.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!