
- Xildhibaan Mohammed Hassan Idriss “Falaari gil gilisho kaagama dhaco” Gudoomiye jawaari waxaan ka keeney Mooshin aan kalsoonidii uga laabaney, kadib markii uu Ku sifoobey Qofobadaan halkaan hoose Ku xusun Iyo qodobo kaloo badan oo aan ka horsheegidoono fadhiga Golaha Shacabka , sidaasi daraadeeda keliya Gudoomiye Jawaari wuxuu howshiisii sii wadankaraa hadii markale kalsoonidii Golaha Shacabka helo Lakiin hadii uu Ku mashquulo inuu musuq-maasuqo Waraaqaha mooshinka asaga laga soo gubbieyey sida caadada u ahaan jirtey . Taasi maantey socon meeyso! “
Xildhibaan Jawaahir Abdi “Xaqa iyo baadilka meel ma wadagalaan!
Gudoomiye Jawari waa oday soomaaliyeed, jecelna horumarka wadanka. Una soo shaqeeyay umada soomaaliyeed tan iyo dowladii siyaad bare. Gudoomiyaha Wuxuu hormuud ka ahaa qoritaanka dastuurka, waxuu dhisay maamulka baarlamaanka.
Waxaa nasiib xuma ah in maanta la isku dayo in xilka laga qaado asagoo waxba aan lagu soo eedayn. Taasna waxay sababi kartaa in uu wadanka galo qalqal siyaasadeed.
Go aankii ay golaha shacabka soo saareen oo ku aadanaa arrimaha dekada Berbera waxay ahayd arin sax ah. waana xaq iyo wajib iyo masuuliyad naga saaran dhamaanteena in laga hortago wxii caqabad ku noqonkara midnimada iyo hantida Soomaliyeed.
Ilaahow wadanka nabad nooga dhig, Soomalina quluubtooda isku fiyoowey (ameeen).
waxaan aamin sanahay inta ay xaqdaro wadanka ka jirto, si horumar lagu gaaro way adkaaneysaa.”
Xildbibaan Adam Izak “Golaha Shacabka, Baarlamaan waxa saldhig u ah xuriyada hadalka iyo aragtiyo kala duwan iyo mudane walbo in uu cabiro ra’ayigiisa.
Mooshinka laga gudbiyay gudoomiyaha waa sharci waana ansax maalaa yacniga umadda loo gudbinaayo hala joojiyo.
Qofna ma caburin karo rabitaanka mudanayaasha baarlamaanka mar walbo waxaan u taaganahay ka run sheegida matalaada shacabka.
Halka ay dowladnimada ka dagi la’adahay waa qaar ka mid ah madaxda sharci dejinta waxaana waajib dastuuri ah in la saxo cidii gudan wayday waajibaadki loo igmaday in ay booska baneeyso ama laga eryo.
#Maskax_fayow_Baa_Hal_Abuur_Leh
#Soomaaliyada_Cusub.
Xaalad Kacsanaan ah ayaa ka dhex taagan Xildbibaanada dagaalkana waxuu aad uga socdaa baraha bulshada.