XASAASI: Xaalada muqdisho oo cakiran iyo Magacyada Xildhibaanada Loo diiday ineey gudaha Xarunta BF galaan

Read Time:1 Minute, 0 Second

Muqdisho ( mareeg news )  Waxaa aad u kacsan xaalada Magaalada muqdisho Jidwalba waxaa taagan ciidamo farabadan Sidoo kale kulankii maanta loo balansanaa ee golaha baarlamaanka ayaa  qabsoomi waayya kadib markii xildhibaanada loo diiday ineey gudaha u galaan holka baarlamaanka.

xildhibaam mahad salaad oo warbaahinta kula hadlay banaanka kore ee aqalka baarlamaanka ayaa yiri ” Waa nasiib daro in awood loo isticmaalo hab sharci aheeyn xukuumadu kama aqbaleyno ineey ku xad gudubto xasaanada xildhibaanka iyo mida baarlamaanka guud ahaan, Waa wax laga xumaado ciidanka ay tababa bartay dowlada mareekanka Ee danab in magaalada lasoo geliyo Dowlada mareekankana waan la socodsiineynaa arintaa, waa ineey xukuumadu ogolaataa in sharci lagu kala baxo dalkan waxaa laga keenay meel fog Yaan dib loogu celin halkii laga keenay”




Xasarad aad u kacsan ayaa ka jirta Magaalada muqdisho madaxdii hore ee dalka waxeey walaac ka muuiyeen Khatarta ka dhaln karta xaalada nuucan ah.

Tiro Xildhibaano Gaaraya 100 ayaa loo diiday ineey gudaha u galaan xarunta golaha shacabka Waxeeyna Dibada kula hadleen mid saxaafada.

Xildhibaan Xidig

● Xildhibaan Mahad salad

● xildhibaan fiqi

● xildhibaan zakariye

● xildhibaanada caasha koos.

● xildhibaan abuukaato

iyo xildhibaano kale oo badan .

FG. Markasta waxaa soo kordhaya warar cusub Isha ku haay Mareeg.com 

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %