XASAASI: Xaalad Kacsanaan ah Oo Ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka Xafiiska Fulinta Oo lagu eedeyay Abaabulka Mooshinka

Read Time:51 Second

Muqdisho ( Mareeg News )Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Lakala saftay  Jawaari Iyo Waxa ay ku tilmaameen Mooshin wadayaal In Badan oo xildhibaanada kamid ah ayaa Sheegay in Wax laga xumaado tahay in xaaladan mooshin lagu boogo xafiisyada hey’adaha kale ee dowladana ku edewyay ineey ka dambeeynaa Abaabulka moosbinka lagu ridaayo jawaari.

xildhibaan ahmed macalin Fiqi Ayaa Bartiisa Facebook ku daawacay Hadalkaan  “Golaha shacabka oo shaqooyin waaweyn iyo go’aanno taariikhi ah oo umaddu ay ku diirsatay gaaray, waxa ku socda weerar abaabulan oo xafiisyo kale laga soo maleegay, hantidii qarankana lagu bixinayo, balse waxaan hubaa in uu ka badbaadi doono isku daygaas oo uusan cago badan lahayn.

Go’aankii u danbeeyey ee ku saabbsanaa shirkadda DP world ee golaha shacabku gaaray illaa iyo hadda lagama soo dhoweyn xafiisyada sare, mana aysan caddeyn mawqifkooda go’aankaas ku aadan.

Hawlihii golaha shacabka oo la isku dayayo in golayaal kale ay la wareegaan iyo abaabulka ah in la isku mashquuliyo dhexdiisa waxey ka marqaati kacaysaa in la doonayo in kaalinta golaha shacabka meesha laga saaro”

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %