XASAASI: Wasiiro Lagu wargeliyay Ineey soo Gudbiyaa warqada istiqaalada — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XASAASI: Wasiiro Lagu wargeliyay Ineey soo Gudbiyaa warqada istiqaalada

Muqdisho ( Mareeg News) Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka Nuur Iidow Beyle ayaa faray Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in uu xilka ka tiriyo Wasiirrada isu sharraxay Guddoomiyaha Golaha shacabka .


Nuur shalay gelinkii dambe ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guuddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka,waxaana ay uu wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal kaga dalbaday Ra’isalwasaaraha in uu wasiirradaas xilka ka qaado.

Waxaa uu sheegay in Guddoonka Golaha shacabka uusan u tartameyn Qof Wasiir ah oo xilhaya,ilaa hadda 11 qof ayaa u sharraxan guddonka Golaha shacabka,saddex ka mid ah waa wasiirro ka tirsan Xukuumadda Kheyre waxaana ka mid ah Wasiirrada difaaca,Tamarta iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka.




Xildhibaan Nuur Iidow Beyle waxaa uu shalay xilkan kula tartamaya labo xildhibaan oo kale,waxaana loo doortay Guddoonka.

Maanta ayaa la filayaa Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka ay soo bandhigaan Jadwalka doorashada Guddoonka Golaha shacabka iyo habraaca doorashadaba.

wasiiro iyo wasiir ku xigoono dhowr ah ayaa xilka laga qaadi doonaa kadib is sharaxaadooda xilka gudoomiyaha baarlamaanka wasiirada xilka laga qaadaya ayaa waaxaa igu horeeyo wasiirka Gaashaandhiga Iyo wasiiru ku xigeenka xanaamada xoolaha, Rw Kheyre ayaa Xildhibaanada ka dhex raadinaya Booskan cida uu ku badalilaah.


Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!