Translate to your language
XASAASI:- Waa Kuma Cida  Suuq Geyneysa Shidaalka Soomaliya ? — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XASAASI:- Waa Kuma Cida  Suuq Geyneysa Shidaalka Soomaliya ?

Shir looga hadlayo Arimaha Shidaalka Soomaaliya ayaa 7 bisha February ee sanadkan 2019 ka furmayo magaalada London waxaana shirkaas lagu suuq geynayaa Shidaalka Soomaaliya, iyadoo lagu bixin doono ruqsado shidaal baaris ah oo la siinayo Shirkaddo waa weyn.

Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame ahna Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir ayaa soo bandhigay qorshaha shirkaas iyo sirta ka dambeysa, iyadoo aan Baarlamaanka ansixin Sharciga Shidaalka iyo Macdanta.

“Waxaa lagu wadaa in la qabto 07 Febraayo oo ku beegan maalin ka hor sanadguuradii labaad ee doorashada Madaxweyne Farmaajo, xaraash (auction) xirmooyin 50 (blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah oo ku teetsan dhul ku fadhiya 173,000 km. Shirka oo ka dhacaya Hotel Claridges ee Magaalada London ayaa waxaa soo abaabulay xukuumada Federaalka ah, shirkada SOMOIL oo magac bedelatay iyo shirkada Spectrum oo dalka Norway laga leeyahay”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Sidoo kale C/raxmaan C/shakuur ayaa su’aal ka keenay shirkan, iyadoo aanu dalka laheyn shuruucdii hagi laheyd:-

1- In sharciga Shidaalka iyo Macdanta laga ansixiyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Lama ansixin.

2- In la dhiso Golaha Khayraadka Dalka oo ah Golaha ugu sareeya ee lagu lafa guro Arrimaha kheyraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Dawlada Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada. Lama dhisin.

3- In dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Bartoolka. Lama dhisin

4- Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed ( Somali National Oil Company- SONOGRAM) waa shirkad ay yeelanayso dawlada Soomaaliya. Waxay masuul ka tahay sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saarida iyo suuq gaynta. Rasumaalka iyo wadaaga saamiyada shirkada waxaa lagu qeexayaa sharci gaar ah.
Lama dhisin.

Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (auction) shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka aysan labada aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’adhii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya.

Haddaba, waxaan uga digaynaa shirkadaha loogu yeeray shirka in ay ku kadsoomaan iibsiga xirmooyinka (blocks) shidaal ee ay xukuumada soo bandhigayso.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ilaashadaan khayraadka dalkooda, kana hortagaan xaraashka shidaalka iyo Macdanta dalkooda

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!