XASAASI:- Ujeedka Weerarkii lagu Qaaday Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XASAASI:- Ujeedka Weerarkii lagu Qaaday Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga

Muqdisho ( Mareeg News ) Maxaan ka ognahay weerarkii lagu qaaday wasaaradaha; amniga, arimaha gudaha iyo xaruntii isku xirka police ka ee OTTO-OTTE ee dhacay 7 july 2018…?

qaraxyada watay Waxaa uu kamid ahaa dhowr qarax oo xamar ka dhacay oo aan goob-joog u ahaa laakiin waxaa uu ahaa midkii iigu yaabka badnaa su’aalaha ugu badnaa maskaxdayda geliyay.
Weerarka ayaa ka dhacay afaafka hore wasaradaha amniga iyo arimaha gudaha iyo eridda hore ee laga galo madaxtooyada soomaaliya.

Haddaba weerarki siduu u dhacay..?
Weerarka ayaa dhacay 11kii subaxnimo waqtiha muqdishu, waxaa xirnaa dhammaan wadooyinka lagu soo gaarki karo halka uu qaraxu ka dhacay. Waa mide waxaa checkpoint gii ugu weynaa uu yiilay isgoyska debka oo wixii socdoo dhan la baarayay, sidoo kale isgoyska howl-wadaag iyo sayidka waxaa yiilay ilaa 4 checkpoint oo aan xitaa saraakiisha dowladda qaar aysan gudbi karin dhanka Sayidka, Waxaa inta u dheereyd dhanka howl-wadaag soo gelista lama ogoleyn laakiin waa laga bixi karay waana halka la sheegay in qaraxa iyo ciidamada meesha weeraray ay soo mareen.
Su’aasha isweydiin mudan ayaa ah meel sidaas amaankeedu u sugnaa siduu qarax uga dhacay..? Mise qaraxa ayaa lahaa ujeedo aysan fahmi karin shacabku..? Mise…….? Mise….?

Qaraxa kadib maxaa dhacay..?
Qaraxa ayaa ka dhacay isgoyska sayidka, waxaa la ii sheegay in biraha control ka ay furnaayeen inta uusan qaraxu dhicin, sidoo kale waxa kaliya oo meesha joogeen ilaa 3 askari oo qura. waana tan ugu weyn ee shakiga badan dhalinaysa.

Waxyaabaha cajiibka ah ee dhacay waxaa kamid ah; Qaraxii markii uu dhacay isla markii 3 qof ayaa gashay gudaha xarunta otto-otte, waxaa la ii xaqiijiyay in halmar qaraxa ka dhacay checkpoint ga banaanka iyo takbiirta gudaha ay wada dheceen, 2daqiiqo kadibna uu qarax 2aad ka dhacay dabaqa 2aad ee xarunta, isla markaasna waxaa la xaqiijiyay in dhammaam xiriirkii gudaha xarunta, korontadii iyo biyihii la wada jaray halmar, isla markaasna waxaa banaanka iyo gudaha ka wada bilowda dhawaaqa risaasta nool-nool.

Waxaa la sheegay in ciidamada meesha weerarar ay watteen dharka ciidamada xasilinta iyo police ka.
Sidoo kale Markii ay raggu gudaha u galeen xarunta waxaa kujiray ciidamo aan badneyn oo la dagaalamayay raggii meesha galay, muddo ka badan 30 daqiiqo cid usoo gurmatay oo xasilintii iyo nabad sugid ah may jirin. ciidamaddii yaraa ee meesha joogay, waxaa la sheegay in askar katirsan ciidamada koofi casta ay usoo gurmadeen raggii meesha joogay.
Kadibna ay yimaadeen nabad sugida iyo police ka.

Waxyaabaha cajiibka lahaa waxaa kamid ah in raggii meesha qabsaday aan aan la helin raq-dood iyo ruuxood oo kaliya meesha lagu arkay dharkii ay wateen uun.

Qaraxa ma dowladda ayaa wax ka ogeyd.? ma ujeedo kale ayuu xambaarsanaa oo naga qarsoon..? madayac amni ayuu kuyimi..?
Sideese wasaaraddii amniga loo weerari karaa..?
Sidee meel amniyad nuucaas ah leh uu qarax uga dhici karaa si fududna loogu qabsan karaa… ?
Ma fashil dhanka amniga ah ayaa jira mise ujeedooyin ayuu xambaarsanaa qaraxu..?

Waa su’aalo ay tahay in la weydiiyo saraakiisha aan amniga dalkaan aan u dhiibanay. Sidoo kale waa muhiim in la helaa baaris ka madax banaan saraakiisha amniga si loo ogaado sida ay wax u dheceen iyo cidda leh masuuliyada, iyo ujeedada uu lahaa qaraxaan.

Independent investigation.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!