XASAASI:- Tirada xildhibaanada ay kala heystaan murashaxiinta Gudoonka BF soomaaliya & Sida ay Ugu kala horeeyan. — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XASAASI:- Tirada xildhibaanada ay kala heystaan murashaxiinta Gudoonka BF soomaaliya & Sida ay Ugu kala horeeyan.

muqdisho (mareeg news) 30 april oo isniin ah waxaa la qabanayaa doorashada gudoomiyaha barlamanka somalia waxaana xilkaas utaagan ilaa iyo 11musharax inkastoo la rajeynayo in qaarkood xili hore oo bari ah tanaasuli doonaan hadana waxaa jiri caawa hardan iyo shukaansi xildhibaano oo ay wadaan musharixiintu utaagan xilkaaas



Musharixiinta ugu cadcad
——————————————–
1-ibrahim isxaaq yarow
2-shariif mohamed abdalle
3-mohamed mursal
4-caali ah mohamed nur

4tan musharax ayaa loo badinayaan iney heli doonaan codadka ugu badan ee xubnaha barlamanka maadama midkaste uu heysto taageerayaal badan oo golaha shacabka ah ,qaar kamid ah musharixiinta waxaa ay isku haleynayaan siyaasiyiin iyo awooda xukuumada, hadaba yaa kala wata musharixiinta sideese ukala awood badanyihiin?

Ibrahim isaaq yarow waa shaqsiga la aaminsanyahay inuu heli doono codadka ugu badan waxa uuna heystaaa taageerada xubno badan oo katirsan taageerayashii jawaari waxaana wata oo uu isku haleynayaa awooda hugaamiyaha koonfur galbeed shariif xasan iyo xubno dowlada kamid ah ,hadii uu guuleysto xukuumada waxa uu ku noqon doonaaa dhibaato hor leh waayo waxaa wata nin siyaasadiisa aan la isku haleyn karin waa shariife.



Musharaxa labaad waa shariif mohamed abdale oo ah nin aqoonyahan ah waxbadan usoo qabtay konfur galbeed taageero badana ku dhaxle barlamanka ,ilaa hada majirto cid uu ku tiirsanyahay shariif abdalle waxaana loo badinayaa inuu heli doono taageerada xildhibaanada aan dhinacna jirin ,waana musharax hadal heyntiisa caawa ay cirkaas mareyso.

Musharaxa sadexaad waa mohamed mursal wasiirkii gaashandhiga somalia waxa lafilayaa inuu helo codad badan waayo waxaa taageersan inta badan xubnihii kasoo horjeeday jaawari iyo xukuumada oo dhaqaalo badan ku bixineysa inuu jagadaan qabto ,hadii uu guuleysto waaa farxada iyo damaashaadka xukuumada waayo waxa uu toos u hoostagi doonaan xafiiska RW kheyre inkastoo laga cabsi qabo in sheekadiisu noqoto lacagu waa qaadasho codkuna waa danta barlamanka



Shaqsiga afaraad waa musharax cali sh mohamed nuur waxa uu ahaa wasiirkii ku xigeenkii arimaha gudaha waa shaqsi isna taageero badan heysta lakiin rajadiisu aysan sidaa u buurneyn wxaana wata oo uu isku haleynayaaa gudoomihii hore ee barlamanka jawaari iyo xubno ka mid ah taageerayaashii jawaari.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!