Mareeg Media
Somalia

XASAASI:- Siyaasi Shegay In Shariif Hassan Qatar ku yahay Noloshiisa & Badbaadin Uu ka Dalbaday DF

Beydhaba ( Mareeg News ) Magaceyga waa Abdisatar Hassan Ali waxaan Dhashey 1988 waxaan jiraa 31 Sano waxaan ahay Siyaasi Da,yar oo Daneeya Guud ahaan Siyaasada
Dalkeyga Somaliya Gaar ahaan Siyaasada Deegaan Doorashadeyda oo ah Deegaanka koofur Koofur Galbeed Somaliya,

Shaleyto oo Qamiis shayd Bishuna ay aheyd 24,10,2018 ayaan imaadey magaalada Baydhabo janaay waxaan Taageersanahay oo aan la Soo Safrey oo aan la imaadey magaalada Baydhabo Suldaan Hussein Osmaan Hussein oo ahaan Jirey Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo hadda u sharaxan madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Somaliya,

Nuxurka Qormadeyda aan Sii Gudo Galo waxaa Caawa ila Soo Xiriirey oo Teleefoon ii Soo Direy wasiir katirsan wasiirada wakhtigooda dhamaadey ee maamulka koofur Galbeed Somaliya wuxuu ila wadaagey khatar dhankeyga ah oo iiga imaaneysa madaxweynaha wakhtigiisa Dhamaanaaya ee shariif hassan sheikh Adan wasiirka ila Soo Xiriirey marabo inaan magaciisa sheego laakiin warka kaliya la socda ,

Anigoon Muujinin Dareen iyo Cabsi Tooda isla Caawa Xafiiska Gudoonka Baarlamaanka koofur Galbeed ayaa la igala Soo Xiriirey waxaa ila Soo Xiriirey masuul katirsan Gudoonka oo aan magaciisa sheegeynin wuxuuna ii sheeegey inuu Caawa maqley Wakhtar Abdisatar Hassan Ali oo aniga ah oo iiga imaaneysa dhanka shariif hassan aniga ilaa hadda iguma jirto walwal iyo Cabsi Toona Sababtoo ah Shariif hassan igama Xigo Deegaanka iyo Dadka

Haddii magaalada Baydhabo wax yar oo Dhibaato ah igu Soo Gaaraan waxaa Masuul ka ah maamulka wakhtigiisa dhamaanaaya ee koofur Galbeed waxaan Xaq u leeyahay inaan Taageero mid ka mid ah murashixiinta koofur Galbeed waxaana Taageersanahay Suldaan Hussein Osmaan Hussein oo ahaan jirey Taliyihii Hore ee NISA isagaana Ku Dadaalaayaa inuu Noqdo madaxweynaha Koofur Galbeed

Qormadaan waxaa Diyaariyey Abdisatar Hassan Ali

Mahadsanidiin

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!